Custom post type and metadata support in the REST API

Developer Resources

We’ve recently made some updates to the REST API which is available here on WordPress.com and for any Jetpack-enabled site that has the REST API module activated. The API now has full read and write support for custom post types and post metadata.

You can specify a post’s post type when you create or edit it. If you’re fetching a single post, you will receive its post type in the response. Of course, you can also specify a post type when fetching a series of posts. In all cases the parameter to use or look out for is type.

You can also query posts by metadata using the new meta_key and meta_value parameters. You can add, update, delete or retrieve a post’s metadata when creating, editing or getting a single post, using the new metadata parameter which accepts an array of metadata keys, ids, previous_value

View original post 324 more words

Rajada ka muuqato Gee W/Q : Maxamed Cusman Cumar

 

 

Deriska ma aha shey uu qofka dooran karo sida qofka dharka uu labisanaano u doorto. Xumaan iyo samaanba waa dhici karaan. Hase yeeshee, ma aha wax joogto ah. Dalalka  Geeska Afrika, gaar ahaan, dalka Soomaaliya iyo dalalka Ethiopia iyo Kenya is beddel weyn oo dhanka hoggaanka  ayaa ka dhacay. Soomaaliya waxay yeelatay Madaxweyne cusub, Mudane Xasan Shaikh Masdamuud, Kenya waxay yeelatay Madaxweyne cusub, Mudane Uhuru Kenyatta iyo Ethiopia waxay yeelatay Ra’iisul Wasaare cusub, Mudane Hailemariam Desalegn.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ajendada ay rabto in ay ku shaaqeyso si dalka loo gaarsiiyo hor-u-mar dhinac walba waxuu ka koobanyahay 6 khodob oo uu ka mid yahay khodob ku saabsan “sii xoojinta wax wada-qabsiga Soomaaliya iyo adduunweynaha iyo in lala sameeyo xiriir sokeeye dalalka deriska ah iyo saaxiibada Soomaaliya”.

Ilaa hadda is beddelada siyaasadeed oo ka dhacay Geeska Afrika waxaa ka mid  ah in shacabka Soomaaliyeed oo ku nool dhulka loo yaqaan “Ogaadeen”  uu haysto is-maamul goboleed oo dhismo iyo hor-u-mar la taaban karo ka socdaan. Sidoo kale, shacabka ku nool dhulka loo yaqaan  Northern Frontier District (NFD) iyagana xaq siyaasadeed, sinnaan iyo cadaalad buuxda haysta oo dawladana qayb weyn oo muuqata kaga jira. Shaki ma laha in shacabka Soomaaliyeed oo ku nool labadaas dhul ay raalli ku yihiin duruufahaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqradiga Soomaaliya, Gen. Maxamed Siyaad Barre oo sannadkii 1975 asigoo ahaa Guddoomiyaha Midowga Afrika ee sannadka lagu soo qaaday xaaladda Jabuuti, waxuu u sheegay Ergay ka socday Madaxweynaha Fransa, in Jamhuuriyadda Soomaaliya ay taageereyso Jabuuti inay ka baxdo gumeysiga, kaddibna ay iyada aayaheeda ka tashato.

In siyaasadda dawladda Kacaanka  ay sidaas ahayd waxaa u daliil ah in dabaal-deggii dawlad-nimada Jabuuti ee 27 Juun 1977 waxaa ka qayb galay, Ku-xigeenka Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane marxuum Xuseyn Kulmiye Afriax. Sannad-guuradii Kowaad ee madaxbanaanida Jabuuti waxaa ka qayb galay wafdi weyn uu hogaaminaayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Demoqradiga Soomaaliya, Mudane marxuum Major General Maxamed Siyaad Barre.

Marka ay Jabuuti madax-banaani qaadatay oo ay goosatay in ay keligeed Jamhuuriyad noqoto, ka horna NFD xaalkeeda Heshiiskii Caruusha ee 1967 lagu meeleeyay iyo Soomaali Galbeed oo dawlad goboleed la siiyay, waxaa la rajeynaayo waa in doorka Soomaalida ku nool  dalalka deriska la ah Soomaaliya uu noqdo kubriga (Bridge) isku xira dalalka Geeska Afrika.

Hawsha weyn ee  hortaalla Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Shaikh Maxamud, iyo Baarlamaanta Soomaaliya, waa sidii looga faaiideysan lahay jawigaan ka jira Geeska Afrika oo dad badan u arkeen in uu yahay wax-ku-ool oo nabad waarta u keeni karta gobolka.

Iyadoo arrinta Geeska Afrika ay sidaas tahay, haddana, gaar ahaan, dib-u-dhiska dalka Soomaaliya waxuu u baahanyahay in loo wajaho iyadoo ay Soomaalida u mideysan yihiin oo u soo jeesta danta guud ee dalka iyo dadka.

Doorashooyinkii Baarlamaanka cusub, Guddoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen, ka bacdina la doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda taariikhda markii ay ahayd 10/09/2012 waxay baabi’iyeen “Ku-Meel-Gaar”nimadii dawladahii hore. Waxaa soo baxady “Dawlad Rasmi” ah, oo dhaqsahiiba dalalkii xiriirka la lahaa Soomaaliya burburka ka hor, dib u soo cusbooneysiiyay xiriirkooda Dibloomaasiga.

In ahmiyad weyn ay siinaayaan Soomaaliya waxay ka muuqataa shirarka waaweyn oo is daba joogga ah ee dalalka deeqda bixiya ay  ku yeesheen Istambuul, London, iyo Tookiyo,  halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Shaikh Maxamuud iyo dawladdiisa.

Soomaalida waxay ku maahdaa “Meel hoo u Baahan, Hadal Waxba kama Taraayo”.  Wax badan ayaa la ballanqaaday, hase yeeshee, qofka Soomaaliga ah ee dalka ku nool, hadallo macaan badan oo aan la socon shaqo abuuris oo la timaado mashaariicda laga fulinaayo dalka, waxba u tari mayso. Ilaa hadda waxaa la ogyahay in shirarkii loo qabtay taageerada Soomaaliya lagu ballan qaaday kaalmo lacageed, hase yeeshee, waxay u ektahay in lacagahaas aysan weli soo gaarin qasnada dawladda federaalka.

Shabakada markacadeey.com war ay soo qortay Jimcahii 14 Juun 2013 waxuu sheegaayaa in Golaha Wasiirada Dawladda Federaalka Soomaaliya uu ugu baaqay dawladaha deeqda siiya Soomaaliya in “taageradooda ay si toos ah ugu gudbiyaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorshaynta Soomaaliya.”

“Sanado badan ayaa deeqda la siiyo Soomaaliya loo keeni jiray si aan toosneen oo aan aan ahayn sidii la rabay”, ayuu yiri Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.

“Hadda ka bacdi, waxaan jecelnahay in dhammaan deeq bixiyeyaasha ay soo marsiiyaan mucawinadooda lacageed Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorshaynta ee Dawladda Federaalka Soomaaliya. Waxaan aaminsanahay in sidaan lagu gaari karo sida ay doonaayaan deeq-bixiyeyaasha.”

Ra’iisul Wasaaraha waxay hadaladiisa ku dhisan yihiin in mar haddii ay dawladda tahay mid “Rasmi” waa in dawladda lagu soo wareejiyaa xisaabaha dalka ee ma aha in wakaaladaha Qaramada Midoobay iyo NGOda shisheeye ay faraha la galaan hawshii Wasaraadaha dawladda ay qabsan lahaayeen.

Soomaalida farxad ayay ka soo jeedisay warka sheegaayo in IMF (International Monetary Fund) ama Hay’adda Lacagta Adduunka ay si rasmi ahaan u aqoonsatay dawladda Soomaali, Jimcahii [14 Juun 2013], go’aankaas oo so af-jaray 22 sano oo xiriirka labada dhinac hakad sanaa, waxuu albaabada u furaayaa in Hay’adda ay siiso Soomaaliya “talo xagga siyaasadda dhaqaalaha.”

“Go’aankaas waxuu la socdaa ayidaada adduunweynaha iyo aqoonsiga ee Dawladda Federaalka”, sida uu qoray war cad ka soo baxay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF).  Hase yeeshee, IMF waxay caddeysan in aysan oggolaan karaynin in deyn la siiyo Soomaaliya, ilaa dawladda Soomaaliyeed ay ka bixiso dhammaan deynta ay ku leedahay Hay’adda IMF oo gaaraayo Dolaarka Maraykanka $352 million (229.4 million ee Poundka Ingiriiska).

Soomaaliya waxaa deyn kale ku leh Bankiga Adduunka (World Bank) oo gaaraayo $250 million. Dawladda Maraykanka waxaa laga soo tebiyay in ay sheegtay  in ay la shaqayn doonto World Bank iyo IMF si Soomaaliya ay deymaha uga bixi lahayd.

Muddadaas sidaas u dheer ma jirin wax  xiriir ah oo dhex maray labada Hay’ado oo loo yaqaan Bretton Woods System iyo Soomaaliya.

Soomaaliya waxay soo martay 22 sano oo dawlad la’aan ah oo Ururka Midowga Afrika xilka Soomaaliya u dhiibay Ethiopia 1993 illaa 2000 oo kala wareegtay dawladdii kmg ahayd oo ka soo baxday shirkii dib-u-heshiisiinta uu u qabtay Soomaalida, Mudane Ismaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jabuuti.

Inkastoo aan nus qarni ka hor ay ahayd markaan xornimada qaadanay 1960, wax allale waxii aan soo marnay meel cidla ayay ku burbureen. Lamana inkiro karo waxii la soo maray. Taariikhda ayay galaayiin.

Madaama dalka loo qoray Dastuur cusub, in kasto oo  weli gabyo yahay, doorashooynkii xildhibaanada Baarlamaanka, Guddoomiyaha iyo ku-xigeenaddiisa, kaddibna doorashada Madaxweynaha iyo hirgelinta nidaamka federaaliga, ma jiraan wax diidaayo in Dawladda Federaalka dib u eegto xiriirka uu dalka la lahaa Hay’adaha aan kor ku soo sheegnay.

Maanta Soomaaliya waxay leedahay boqolaallo, ma ahin tobaneey, aqoon dheer u leh dhaqaalaha oo runtii ka fiicnaan karo “khubaraada”, oo qaarkood ka soo shaqeeyay Hay’adahaas World Bank iyo IMF.  Sidaas darteed waxaan qabaa in aan uga mahad celino IMF “khabiirka” dhaqaalaha ay soo jeedisay in ay Soomaaliya ku deeqeyso.

Runtii aniga waxan u arkaa fursad weyn oon dalka ku dhisi karno dhaqaalahiisa iyo sharaftiisa haddii guddi joogto ah oo kooban oo Aqoon-yahaano Soomaaliyeed ah ay ka talo-bixiyaan dhaqaalaha dalka.

Assalkaba deynmaha ay IMF iyo Bankiga Adduunka ku yeeshaan dalalka saboolka ah, gaar ahaan, dalalka Afrika, welligood lagama baxo. Waa xabsi daa’im, weliba waxaa ka sii darran in xitaa maamulka ay soo fara geliyaan.  Runtii ma arkaayo wax dhibaato ah ay dawladda federaalka la kulmeyso haddii ay hawsheeda ku bilawdo hay’adahaas la’aantooda.

Waxaa iga talo ah in aan  falkooda galno deynmaha sidii aay Soomaaliya u gudi lahayd. Ama Dawladda Federaalka in ay kala xiriirto Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, David Cameron, sidii Soomaaliya looga cafin lahay deynmahaas. Haddii ay Dawladda Federaalka oggolaato “Khabiir” ka socdo IMF iyo World Bank in uu u xafiis ku yeesho Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorshayn, waa dawladnimadii oo looga tanasulay Hay’addahaas.

Waxaa jira Nidaamka ah Multilateral Debt Relief Initiative (MDRI) Nidaamka Koox ahaan Deynta loo Cafiyo oo xidid la ah HIPC. MDRI waxaa lagu heshiiyay shirkii Kooxda 8 (G8) oo lagu qabtay Gleneagles bishii July 2005. Nidaamkaan waxuu cafinaayaa 100% deynmaha  dalalka ka mid ah HIPC ay ka qabaan Bankiga Adduunka (The World Bank), Hayadda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bankiga Hor-u-marinta Afrika.

Soomaaliya waxay ka mid tahay 39 dal oo badidooda yihiin dalalka Afrika qaybteeda hoos ee Saharada loona  aqoonsaday in ay  ka mid yihiin dalalka ka faa’iideysan kara Nidaamka HIPC  (Heavily Indebted Poor Countries) oo u oggolaanaayo in deynta laga fududeeyo.

Waa muhim, haddii la rabo in Dawladda Federaalka ay guul gaarto, in ay deyn shisheye ka saliim tahay. Hadda ayay ugu haboon tahay oo markii uu dalka dib ugu noqdo, shacabka ugu hambalyeeyo in deynmahii dalka lagu lahaa la wada cafiyay.

Sidoo kale, niyad samida ay muujiyeen Madaxweynaha cusub ee Kenya, Mudane Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaaradda cusub ee Ethiopia, Hailemariam Desalegn, waa haboon tahay in lala wadaago oo lasii wado ilaa laga gaarasiiyo heer ay dhammaan gacmaha is qabsadaan.

Madaxweynaha cusub ee Kenya, Mudane Uhuru Kenyatta markuu la hadlaayay madaxdii ka soo qayb gashay shirweynehii  lagu qabtay magaaladda London ee dalka Ingiriiska bishii Maajo 7, 2013:

“Ugu horeyntii, ii oggolaada in aan mar kale caddeeyo taagerada dawladayda oo ku aadan Soomaaliya oo nabad ah iyo xasilan.”

Sida wargeyska Daily Nation qoray: “labada madax waxaa kale ay ballan qaadeen in ay taageeraan dib-u-dhiska Soomsaaliya oo weli ka soo bixi rabto tobaneeyo sano oo qalanqal ah.”

Wargeyska Nairobi, Daily Nation, waxuu qoraalkiisa ku daray in “Madaxa Ethiopia oo isla markaasna ah, waqtigaan xaadirka ah, Guddoomiyaha  Midowga Afrika, in dalkiisa uu ku hanweynyahay is dhexgal ballaaran ee gobolka guud ahaan.”

Haddii shucuurta labada madax ee Ethiopia iyo Kenya ay sidaas yihiin oo Soomaaliyana diyaar ugu tahay wax wada qabsiga dalalka Geeska Afrika maxaa diidaaya in si rasmi ahaan gacmaha la is qabsado oo baaq wada jir ah lagu caddeynaayo in laga baxay “xaaladii dagaalka” (State of war) oo Kenya iyo Ethiopia adduunka u sheegaan in  heshiiskii difaaca oo ka dhexeeyo labadooda dal halkaas ku dhammaaday jiritaankiisa la soo saaro? Halkaas oo lagu furo “Bog Cusub” oo ku saabsan hor-u-marinta xiriirka siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada ee dawladaha Geeska Afrika.

Waxaa la rajeynaayaa in sannadkan 2013 noqdo sannadkii nabada ee Geeska Afrika oo guusheeda iyo sharafteeda ay qaadan doonaan saddexda madax oo kala ah Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Shaikh Maxamud, Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Hailemariam Desalegn.

Haddii guul laga gaaro is-afgarashada saddexda dal e Soomaaliya, Ethiopia iyo Kenya, shaki ma laha in la gaari karo  Geeska Afrika oo ay ku dhanyihiin Soomaaliya, Ethiopia, Kenya, Djibouti iyo Eritrea oo Shucuubtana u riyaaqi doonaan.

Danjire Maxamed Cusman Cumar
Email: mohd.osman75@gmail.com
Website: www.ambassadorosman.com